Madaxweynaha Jubbaland oo wali wada abaabul dagaal+Sawirro

Madaxweynaha Jubbaland ayaa deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose, saaka wuxuu kula kulmay Ciidamada Jubbaland ee aaggaasi ka hawlgala.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in howlgalka xoraynta deegaanada maqan ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq uu sugayo wuxuu intaas ku daray in dhawaan ay gacanta soo galayaan Degmooyinka Xagar iyo Badhaadhe iyo Gobolka Jubbada Dhexe isagoo sheegay in Ciidamadii shaqadaas qaban lahaa ay diyaar ku yihiin meelahii loogu tala galay.

Waxa uu sheegay Madaxweynahu in Al-Shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen Ciidamadu isla markana ay tuseen kharaarka ay leedahay guul darada iyo dhimashada kadib muddo badan oo ay dhiiga umada macno daro ku daadinayeen.

Madaxweynaha waxaa uu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay yihiin fulayo shacabka u xoog weyn wuxuu tusaale usoo qaatay Xasuuqii soobe oo uu sheegay in dad aan waxba galabsan ay ku laayeen balse ay iloobeen in ay ka danbeeyan Ciidamo walaaladood ah oo u aar gudaya.

Wuxuu ku dheeraday Madaxweynahu in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka Argagixisada loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *