Guhaadinta Xasan Sheekh ma gar baa, gurya-noqoshadiisu gaf miyay ahayd?

Guud ahaan madaxda afrikaanka, gaar ahaan madaxda Soomaalida ee ka dagta talada waxaa dhaqan u ah inay ka huleelaan dhulkii ay talada u hayeen, kana door bidaan inay saldhig ka samaystaan waddamo shisheeye. Taasi waxaa ka dhasha dareen bulsho oo ah inuu qofkaa madaxda ahaa xoolo ka walwaashay dhulkiisa. Waxaa bilaabata is-waydiin ah intii uu talada hayay dalka wuu joogay, ee maalintii uu tanaaday maxuu waddankiisa uga tagay? Su,aashaas waxay noqon kartaa mid ay gar u leeyihiin ummaddii taladeeda uu hayay hoggaamiyahaas, jawaabtase way adagtahay in la mala-awaalo, waxaase jira dhaqan ah inuu bato tuhunka ah in masuulkaas uu xoolo la tagay. Sidaa awgeed ayay badataa hiifka & hadal-haynta cadhada & cayda leh ee gaysto qofkaas isaga ah ee dalkiisa ka haajiray. Ma gar baa mise waa gar-daro, goobtii aan kaga doodi lahaa halkan ma aha.

Arartaas kooban waxaan oga go’leeyahay waxaa jira hadal-hayn dhawaanahan ku badnayd baraha bulshada oo la hadal hayay soo gurya noqodka madaxwaynaheenii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Qolo bulshada kamid ah way baasaysatay soo gurya noqoshada madaxwaynaha, qolana buunkii guusha ayay u tumatay, labaduba waxay leeyihiin dood ay gundhig uga dhigayaan riyaaqooda ama raja-beelkooda. Waa su,aale soo noqoshada madaxwaynaha dan miyay ummadda u tahay mise waa daw-xumo?

Waxay ila tahay madaxwaynuhu waa oday siyaasadeed oo xil ummadda usoo qabtay, xambaarsana waayo aragnimo lex-jeclo & dareenka ku sababay in uusan dibad-meer ka noqon dalluunka haysta bulshadiisa.

Waxay ahayd kolka meel la iska dhigo kala duwanaanshaha aragtida siyaasadeed inuu madaxwaynuhu mudnaa soo dhawayn & maamuus looga go’leeyahay in laga godliyo wax walba oo garasho ama guri hagaajin ah ee uu ummaddiisa la doonayo. Waxaa haba yaraatee meesha aanan ku jirin in la haaraamo ama la haydaarto madaxwaynaheenii hore, iyada oo waliba ku darsoo waxa lagu maagayo aysan ahayn wax jira oo dhibaal ah. Soomaalidu waxay tidhaahdaa af-lagaado nabadna way kaa gaysaa, colna wax kaagama tarto, waxaa jira luuqad ama af ay ku wada hadlaaan dabaqadaha kala duwan ee bulshadu, waxaa ayaan daro ah inay iskaga kaaya darsanto luuqadii lagula hadli lahaa qofka xaakimka ah iyo qofka xerada geela jooga, waxaa kaloo ayaan daro ah inaynu xoqno nabaro horay xiniftooda loogu soo gubtay maantana ummadda Soomaaliyeed aysan baahi u qabin, in lasii danqiyo, iyada oo laga hadalsiinayo dawdaro aanan ummadda xigmad badan kusoo kordhinaynin.

Waxaa intaa iisii dheer dadka kale ee baraha bulshada ka buuqa waxba ma qoonsadeen, laakiin kolka madaxdeenii meeshii ugu saraysay hayay ay si sir & caad leh ugu hadaaqaan wax ka sheega & deedafaynta gurya noqodka odaygeena waxaa ii cadaatay dadka baraha bulshada ka buuqa & dawdarada meelaha ka dooda golaha laga soo abaabulo.

Guntii & gabagabadii waxaan odhan lahaa maskaxdaa soo gurya noqotay ee ummaddu lahayd maanta waxay mudantahay inaan ka talo galino sidaan u dajin lahayn heehaabka siyaasadeed ee dalkeenu ku jiro, innaga oo meel iska dhigayna waxyaabaha aysan sagaaro ka biirsanin ee salka looga dhigayo doodaha guracan ee dhexyaala baraha bulshada. Waxaan sidaa u leeyahay Soomaalidu waxay tidhaahdaa “bawdo raggeed maalinta mid ayaa qaawan” waxaan is leeyahay maanta madaxdeena kursiga ku fadhida mar ay gaadhaba inay joogi doonaan booska uu maanta taaganyayahay madaxwaynaheenii hore, waxaa haddaba la is waydiinayaa hab-dhaqankooda maanta ma waxuu arar usii yahay inaysan dib dambe dhulkan nolol uga damacsanayn oo ay u hayaami doonaan dhulalkii shisheeye ee ay kasoo kursi raadsadeen? Mise waa dad taladu ka cayn wareegtay oo u baahan in looga nasteexeeyo iyaga & inta la aragtida ahba dow-xumada iyo xad-gudubka aan salka ku lahayn dhaqan wanaagii & ixtiraamkii soomaali lahayd?

Haddaba haddii ay yihiin niman ushu ooga go,antahay inaysan xerada Soomaaliyeed xoolo kusoo dabaalanin maalinta ay xilka dhigaan waa fulay & xeeshiise, hasii wadeeen hadal xumada ay maalmahan wadeen, haddii ayse dadnimo & joogitaan ka damacsanyihiin dal & dad Soomaaliyeed waxaan odhan lahaa war magacood jir maanta way idinka haloowdaye dib uga soo noqda danniga xun & hadalka deelqaafka ah ee aad kula kacdeen odaygaa Soomaaliyeed & inta la hal-maasha ee bari ummaddu mudan doonto.

W/Q: Axmed Maxamed Xasan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.