Askari dilay gabar katirsaneyd ciidanka dowladda

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose, askari ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa wuxuu dil u gaystay gabar askariyad aheyd oo ciidanka ka tirsaneyd.

Askarigan ayaa wuxuu dilay gabar lagu magacaabi jiray Fowsiya Xasan Khaliif, kadib markii isfahan waa uu soo kala dhexgalay, islamarkaana uu xabado ku dhuftay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Xerada Ciidanka Jubbaland ee Degmada Dhoobley, halkaasi oo askariga dilka uu ku gaystay.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan askariga falkaan dilka ah u gaystay gabadha kale ee askariyada aheyd.

Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe Xerada Ciidamada Dhoobley waxa ay ku diyaarinaysay Ciidamo guluf Militari ku qaada Dhulka Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.