Kenya oo ka walaacsan hubka ku jirab gacanta dad weynaha

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka kenya Fred Matiangi ayaa digniin u jeediyay muwaadiniinta kenyanka ah ee heesta hubka sharci darada.

Isaga oo ka hadlayay kulan saxaafadeed uu ku qabtay magaalada xeebta ah ee mombasa ayaa waxaa uu sheegay in kenya aysan u dulqaadan doonin dadka sida aan sharciga aheyn hubka uu heesta.

Waxaa uu sheegay in ay fursad heestaan ilaa iyo bisha sedaxaad ee maarso cidii lagu arko wixii ka danbeeya waqtigaasna ay dowlada ka qaadi doonto talaabo waafaqsan sharciga

Matiangi ayaa dhanka kale soo hadal qaaday in kenya ay diyaar u tahay marwalba xaqiijinta amniga gudaha ayna iska difaaci doonto kooxaha loogu yeero argagixisada gaar ahaan shabaab.

Waxaa uu tilmaamay in ay naftooda ku haligayaan weerar walba oo ka dhan ah shacabka Kenya dowladana ay diyaar u tahay in ay ka taqalusto si la mid ah kooxdii soo weerartay hotelka Dusit isbuucii la soo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.