Darawal u shaqeeya dowladda oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Darawal ka tirsanaa Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliya ayaa saaka lagu dilay magaalada Muqdisho, kadib markii dabley hubaysan ay toogteen.

Ninka la dilay ayaa wuxuu deganaa Xaafadda Al Baraka ee Degmada Hodan, halkaasi oo saaka aroortii markii uu soo baxaayay dableyda hubaysan ay ku beegsadeen.

Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Madoobe, wuxuuna ahaa nin in muddo ah la soo shaqeeyay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliya.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa ka baxsatay goobtaasi ,waxaana mar dambe gaaray goobta dilka uu ka dhacay Ciidamada Booliska dowladda Federalka Somaliya oo halkaasi ka qaaday maydka.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaasi ka dhacay Xaafadda Al Baraka ee Degmada Hodan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.