Faah-faahin: Qarax ka dhacay magaalada Nairobi

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka kenya kaasoo geystay Khasaare nafeed.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay meel u dhow Shineemada Odeon, Wadadda isgoyska Latema ee magaalada Nairobi.

Goob joogayaal ayaa sheegaya iney arkeen meydka qof dhintay iyo dhaawaca mid kale welina khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas lama oga.

Booliska Kenya oo goobta gaaray ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay qalab waxyaabaha qaraxa lagu soo xiray oo goobtaasi la dhigay, iyadoo ay socdaan baaritaan lagu hayo qaraxa iyo cidda ka dambeysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.