Ciidamada Amniga oo qabtay Shabaab dhaawacay Askari katirsan ciidanka dowladda

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan , kaasoo Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ku dhaawacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Ammaanka ee degmada Ciidamada ayaa sheegay in ninkaasi uu watay Bastoolad lagana soo qabtay Suuq Bacaad, waxaana hada lagu haya saldhigga Booliska.

Maamulka degmada waxa ay sheegeen in ay aaminsan yihiin in ninkaan uu ka tirsan yahay Al-Shabaab, islamarkaana uu ka qeyb ka ahaa dilalka loo geysto dadka ku sugan degmada Yaaqshiid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.