Maxaa keenay in Dastuurka Soomaaliya uu weli yahay qabyo-qoraal?

Dastuur waa heshiiska ugu sarreeya ee xaddida haykallada aasaasiga ah ee ay dowladi leedahay iyo nidaamka xukunka ee xeerka u ah shacab ama bulsho nidaam wadaagta, boqortooyo iyo jamhuuri midkii ay ku dhaqmaanba. Waxaa kale oo uu dastuurku xaddidaa sawirka xukuumadda sida jamhuuriyad Barlamaani ah ama mid Raysulwasaare leh.

Dastuurku waa kan qof kasta xaqiisa u damaanad qaada.

Maamulku wuxuu ka kooban yahay sharci-dejinta oo ah baarlamaanka iyo fulinta oo ah golaha wasiirrada ama madaxweynaha ama boqorka iyo xeer-ilaalinta. Saddexdaba waxaa maamula dastuurka.

Dastuurkii u degsanaa dalka wuxuu ka mid noqday waxyaabihii ku burburay dowlad-la’aanta iyo dagaalladii sokeeye. Kan hadda lagu dhaqmo waa mid qabyo-qoraal ah oo qeybo ka tirsan laga soo minguuriyay dastuurkii 60-kii.

Dastuurkaas waxaa koowdii Agoosto, 2012 ansixiyay ergo la soo xulay oo gaaraysay 800 oo qof. Waa  isla ergadii dooratay xildhibaannada baarlamaankii 9-aad. Weli waa qabyo qoraal sugaya dhameystir kaddibna afti dadweyne balse Kalfadhi ayaa tooshka ku ifinaysa maxaa keenay dastuurka Soomaaliya inuu weli qabyo sii ahaado shan sano kaddib markii sida kumeel gaarka ah loo ansixiyay?.

Waxaan falanqeyn ku sameynaynaa caqabadaha weli hor taagan in dastuurka uu noqdo mid rasmi ah iyo caqabadaha weli laga gudbi la’yahay iyo sida looga gudbi garo.

Sanatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah xoghayaha guddiga la-socodka dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya ee Barlamaanka ayaa sheegay in dastuurka ay ahayd inuu dhamaystirmo sanadkii 2016, balse ay jireen qodobbo caqabad ku noqday in laga gun gaaro.

Siyaasadda: Waxaa jiray maamul-goboleedyo xilligaas aan la dhamaystirin maamul ahaanshiyahooda, sidoo kale waxaa soo hoos galaya arrinta Aqalka Sare oo markaasi aan diyaarba ahayn si dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah ay uga wadahadlaan waxyaabihii taagnaa.

Dastuurka oo ka mid noqday mashaariicda Soomaaliya laga fuliyo oo muddo dheer lagu shaqeesanaayay.

Ma jirin miisaaniyad qaran oo ay dowladda ugu talagashay dib-u-eegista dastuurka, balse qorshe hadda loo sameeyay.

Ururada bulshada rayidka ah waxay ka mid yihiin ka qeybgalayaashii u soo joogay doodaha wax looga beddelayay dastuurkaan si uu rasmi u noqdo. Faarax Maxamed Faarax oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada ayaa rumaysan in dastuurka uu weli xaaladdan ku sugnaado inay ka dambeyso sadbursi iyo is aaminaad la’aan ka dhex jirta dadka gacanta ku haya ee ka shaqeynaya dib-u-eegistiisa.

Faarax waxa uu tusaale u soo qaatay la’aanta dastuur dhameystiran inuu sabab u ahaa khilaafkii ay ku kala tageen madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo raysul wasaarihii xilligiisa Cali Maxamed Geeddi. Isqabqabsiga awoodaha sharci waa mid sidaas oo kale u hareeyay madaxda dowladihii taas ka dambeeyay. Dhowr raysul wasaare ayaana sidaas shaqooyinka ku waayay.

Khubarrada falanqeeya arrimaha Soomaaliya qaarkood ayaa aaminsan in aanay Soomaalidu u madax-bannaaneyn dhameystirka dastuurka.

Shirar caalami ah oo qabyo qoraalka Dastuurka looga hadlaayo ayaa sanadihii dambe lagu qabanaayay waddamada dariska la ah Soomaaliya kamana marneen in beesha caalamka ay shirarka qaar ay dhaqaale ku bixinayeen. Waxaa ka mid ahaa mid Nayroobi lagu qabtay 2016 iyo mid kale oo siddeedii Juun, 2014 ka dhacay Uganda.

 

Sanatar Xuseen ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sanad ay ku qaadan doonto guddiyada u xilsaan inay dastuurka dhameystiraan soona gaarsiiyaan heer afti loo qaadi karo, inkastoo taas dambe ay ku xiran tahay in la helo ka qeybgalka shacabka deegaannada Somaliland.

Waxaa jira qorshe-howleed qaran oo lagala tashanayo maamul-goboleedyada dalka oo dastuurka arrimahiisa ku saabsan. Waxaa la qorsheynayaa shir ay lix bil kaddib isugu imaan doonaan dhinacyadaas.

Faarax Maxamed waxa uu ku talinayaa in la helo khubarro ku wanaagsan arrimaha dastuurka, si meesha looga saaro danaha gaarka ah, loogana dhabeeyo shaqada adag ee wax ka beddelka dastuurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.