Madaxweynaha Galmdug oo Kulan la qaatay guddiga nabadeynta Gaalkacyo

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug  ayaa  kulamo isdaba joog ah maalmahan waxaa uu la qaadanayay Bulshada ku nool Magaalada Galkacyo.

Madaxweyne Xaaf  ayaa waxa uu la kulmay Gudiga Nabadeynta Magaalada Gaalkacyo, Ganacsatada Magaalada Galkacyo iyo Maamulka Degmada.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxa uu xog wareysi la yeeshay Gudiga Nabadeenta Magaalada Galkacyo iyo Maamulka Degmada waxa ayna uga warbixiyeen halka ay wax u marayaan waxa ayna Madaxweynaha u sheegeen in guul wayn laga gaaray Howsha Nabadeynta ee Magaalada Galkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug  Cabdi rashiid Xaashi Cartan  ayaa sheegay in kulanka inta badan looga hadlay xaalada amniga Gobolka Mudug iyo howlaha nabadeynta,sidoo kalena uu Ganacsatada Madaxweyne Xaaf uu ku booriyay inay Canshuurta bixiyaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.