Afduub ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacayo

Sadex dhalinyaro ah oo ka soo Jeeda Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa Lagu Afduubtay Koonfurta uu ka arimiyo maamulka Galmudug, waxaana Jira Xiisad Ka dhalatay Arintaasi.

Raga La Afduubtay ayaa La sheegay in Loo haysto raga Ku eedaysan Burcad Badeednimo, kuwaas oo Ku xiran Xabsi Ku yaala Magaalada Garoowe,.

Ilaa iyo hada Ma jirto Cid Ka hadashay oo Ka tirsan Labada Maamul ee Galmudug Iyo Puntland.

Arintan ayaa waxaa ay ku soo Beegmaysaa Xili uu Magaalada Gaalkacyo ku sugan yahay Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.