Odiyaasha magaalada Gaarisa oo ku baaqay dib u doorashada Axmad Madoobe

Odayaasha Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya ayaa caddeeyey mowqifkooda doorashada Jubaland, waxayna ku baaqeen dib u doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Waxgaradka oo shalay ku kulmay Hotel ku yaalla Magaalada Gaarisa ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Maamulka Jubaland ay ka shaqeeyeen amaanka sohdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa ay soo jeediyeen in sidoo kale dib u doorashada Axmed madoobe ay horseedi karto in degaannada Maamulka Jubaland uu noqdo degaan amaan ah.

Axmed Madoobe ayaa dhowr bilood ka hor tagay Magaalada Gaarisa si Odayaasha ku heybta ah uga shaqeeyaan dib u doorashadiisa, waxaana hadda muquda in qorshihiisa uu u hir-galay.

Doorashada Jubaland waxaa ay lagu wadaa in la qabto Bisha August ee sanadkan 2019,waxaana uu Axmed Madoobe sheegayaa culeys dhinaca siyaasadda ah  oo ka heysta dhinaca dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa uu ku suganyahay Magaalada Gaarisa.

Safarka Omaar oo uu isagu ku sheegay in shaqsiyadeed iyo booqashada qoyskiisa ayey dadka qaar sheegeen in uu qeyb ka yahay ololaha dowladda Federaalka ah uga hortageyso soo laabashada Axmed Madoobe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.