Sarkaal sare oo katirsan ciidanka xoogga dalka oo Muqdisho lagu xiray

Magaalada Muqdisho waxaa ku xiran Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka qeybtiisa 43-aad, kaasoo loo heysto bixinta amar lagu dilay xubno lala xiriiriyay iney Al-Shabaab yihiin.

Ninka xiran oo lagu magacaabayo Faarax C/nuur Turbac ayaa ah taliyaha ururka 49-aad, guudtada 10-aad ee qeybta 43-aad, waxaana xabsiga dhigay Saraakiisha ugu sareysay ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida, kuwaasoo ay soo gaartay cabasho la xiriirta hanaanka loo maray toogahsada lixda nin

Taliye Turbac ayaa la sheegay inuu soo gaaray Muqdisho bartamihii bishii December ee sanadkii hore 2018, xiligaas oo Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay ka dalbatay inuu Muqdisho yimaado, si wax looga weydiiyo ragga ay toogteen, waxaana imaanshihisa Muqdisho xigay in xabsiga la dhigo.

Waxaa jira warar sheegaya in ragga la dilay oo dilkooda uu dhacay 1-dii bishii January ee sanadkan 2019 aaney wax maxkamad ah la geyn, iyadoo Warbaahinta uu kala hadlay xukunkaas toogashada ah ninka hada xiran ee Faarax C/nuur Turbac.

Hoggaanka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa iyagu ku doodaya in kiiska oo ay iyagu ay lahaayeen lala hareer maray, taasoo keentay iney si xirfadeysan Muqdisho ugu yeeraan Sarkaalka, xabsigana la dhigo.

Maamulka degmada Baardheere iyo Saraakiisha guudtada 10-aad ee qeybta 43-aad, ayaa iyaguna sheegaya iney Maxkamad saareen eedeysanayaasha la toogtay, kana koobnaayeen Todobo xubnood, balse mid kamid ah la sii daayay markii eedaha lagu waayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.