Taliyeyasha howlgalka AMISOM oo Muqdisho ku shirsan

Shir soconaya Afar maalmood ayaa magaalada Muqdisho uga bilowday taliyeyaasha Ciidanka AMISOM, kaasi oo ay ku qaabeyn  doonaan qorshaha hagaya Istiraatiijiyadooda xigta.

Ku xigeenka Madaxa AMISOM Simon Mulongo ayaa sheegay in qorsha la doonayo in ciidamada AMISOM loogu saaro soomaaliya ay tahay wadada ugu wanaagsan ee la mari karo.

“waxaan u baahanahay in isku qaabeeyno waxa yar ee aan heysano iyo fulinta howlgalada si AMISOM aan uga caawino gudashadda Amni sugiddda Soomaaliya” ayuu Molongo ku sheegay qudbad uu ka jeediyay Furitaankii shirka.

Howlgalka Cusub ee Shirkan lagu faaqidi doono waa midka hagaya dhamaan dhaq-dhaqaaqyadda Howlgalka ilaa iyo inta laga gaarayo 2021ka.

Waxaa kulankaan isugu yimid taliye yaasha qaybaha AMISOM ee ka kala socda Wadamadda Howlgalka Soomaaliya , sidoo kale waxaa ka qayb galaya Madax ka Tirsan ciidanka Xoogga Dalka iyo QM.

Arrimaha ugu horeeya ee tahay in la qabto shirka kaddib, ayaa ah shaqada 28-ka bishan ee dalka looga saaro Kun kamid ah Ciidanka Burundi, kuwaasoo laga soo qaadayo gobolka Sh.dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.