Boolis dheeraad ah oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa tababar u soo xiray Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa tababarka loogu soo xiray xarunta Jeneraal Kaahiye ee Booliska Somaaliya.

Ra’isalwasaaraha ayaa salaan ka qaatay Ciidamada Booliska ah,waxaana uu ciidamada Booliska ah kula dardaarmay in ay si wanaagsan u gutaan shaqada Boolisnimo ee u billaabatay.

Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo Taliyaha Booliska ayaa joogay madasha tababarka loogu soo xiray Ciidamada Booliska cusub.

Ciidamadan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay tababar ku qaadanayay Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdish

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.