Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo la wareegaya goobaha ay ka baxayaan AMISOM

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in dowladda Ciidamo geysay Deegaano katirsan Hir-Shabeelle oo ciidamada Burundi ka baxayaan.

Ujeedka ayaa ah in ay sugaan ammaanka, isla markaana ay buuxiyaan booska ay baneynayaan 1,000 askari oo katirsan Ciidamada AMISOM ee 28-ka bishaan laga saarayo, Maamulka Hirshabeelle.

Askartaan ayaa la shaqeynaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Xeryaha Ciidamada, si aan loo dareemin culeyska askarta baxeysa.

Saraakiisha  ayaa sheegay in Ciidamadaan loogu talagalay in la kala geeyo deegaanada laga kala qaadayo Askarta sida Cadale, Raage Ceelle iyo Xaaji Cali.

Taliska ugu weyn ee Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM oo ku yaalla Magaalada Jowhar ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa kulan ku lahaa saraakiil ka socota AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya.

Waxa ay diiradda kuwada saareen sidii loo xakameyn lahaa baahida Ciidamada  AMISOM ee kunka askari ah ee katirsan Ciidamada Militariga ah ee ku howlgala Magaca AMISOM.

28-ka bishaan ayaa la saarayaa Ciidamada AMISOM, waxaana jiray dadaalo kala duwan oo uu sameeyay Maamulka Hir-Shabeelle si ay u baajiyaan ka saarista askarta kunka ah ee deegaanadooda keliya laga saarayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.