Meydka Raggii weeraray Hotelkii Nairobi oo loo qaadayo Mareykanka

Meydadka Lix ka mid ah Raggii weeraray Hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi ayaa loo qaaday Dalka Mareykanka si baaris loogu sameeyo.

Qof ku dhow arrintan ayaa wargeyska Nairobi News u xaqiijiyay in FBI-da Mareykanka ay qaateen Meydadka shan ka mid ah Raggii weerarkaas geystay iyo haraadiga qofka lixaad ee is qarxiyay.

Baaritaanka lagu sameeynayayo meydadkaas waxaa kale oo la xaqiijiyay in ay ku lug leedahay hay’adda Sirdoonka Israel ee Muusaad loo yaqaan.

Dhowr maalmood kaddib ayaa wakiillo ka kala socda FBI-da iyo Muusaad ay ku sugnaayeen Hotelka iyada oo adeegsanayay Kiimikooyin si ay u ururiyaan haraadiga hilbaha laga helay goobta weerarka kaddib.

Agaasimaha laanta Dambi baarista Kenya George Kinoti , ayaa horay u sheegay in Meydadka baaritaan lagu marsiinayo gudaha Dalka Kenya,waxaana uu xilligaas muujiyay in khubarro caalami ah ay baaritaanka qeyb ka noqon doonaan.

Weerarkii Hotelka Dusit D2 ee Nairobi ayaa dhacay 14kii January,waxaana la soo gaba gabeeyay 15kii Bishaas,iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen 21 qof oo isugu jira Kenyaan iyo ajaanib u dhashay Mareykanka,UK Koofur Afrika iyo kuwo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.