Ciidamada amaanka Puntland oo ka hor tagay weerar u qorsheysnaa Al shabaab

Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Puntland oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Buuraha Cal Madow ee maamulkaasi, ayaa waxa ay sheegeen iney ka hor tageen weerar abaabulnaa.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay uga hortageen weerar kaga yimid dhinca Al-shabaab ee ku sugan Buuraha Cal Madow gaar ahaan Buuraleyda  Warbad iyo Gebidheer,isla markaana ay fashiliyeen weeraradaasi.

Sidoo kale dowlada Goboleedka Puntland ayaa sheegay in weeraraasi Al-shabaab ay la damacsanaayeen Xarumaha  Ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin ee ku yaalla Buuraha Galgala waa sida ay hadalka u dhigeen.

Buuraha Galgala ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaal  ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo mararka qaarkood weeraro ku qaada Ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.