Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Kenya oo Muqdisho ka soo dagay

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta  waxaa soo gaaray Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamud Axmed Nuur Tarsan,kadib markii lagu amray in uu ka isaga baxo dalkaasi.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Tarsan Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya,waxaana la socday Wasiirka Arrimaha dibada Axmed Ciise Cawad iyo marwada koowaad ee dalka.

Safiirka  u joogay dowlada Soomaaliya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa lagu amray in dib ugu laabto dalkiisa,halka dowlada Kenya u jeertay Danjirihii ka joogay Soomaaliya Lukaas Tumbo

Dowladda Kenya waxay sheegtay in dalka Soomaaliya oo ay deriska yihiin dhinaca Waqooyi inay u aqoonsadeen Dowlad caddow ah, kadib, markii ay xaraashtay xuduud-baddeedka Kenya ee ay ku jiraan Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, DFS weli si rasmi ah ugama aysan hadlin Go’aanka ay Dowladda Kenya ku shaacisay inay somalia u arkaan dal caddow ku ah Kenya.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

 Somalitopnews1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *