Al shabaab oo weeraray saldhigga ciidamada Jabuuti ee dagmada Jalalaqsi

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Galbeedka degmada Jalalaqsi.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Jabuuti, iyadoo Jabuutiyaankana ay dhankooda Madaafiic kale ku jawaabeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeynta ay ku dileen shan askari Jabuutiyaan ah, halka 12 kalena ku dhaawaceen, inkastoo aanay jirin warar xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka sameeyay duleedka degmada Jalalaqsi oo la rumeysan yahay in madaafiicda laga soo tuuray.

Dadka deegaanka Jalalaqsi ayaa sheegaya in madaafiicdii xalay ay cabsi ku abuurtay, balse ma jirto khasaare soo gaaray dadka deegaanka.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saldhigyo ku leh degmooyinka Jalalaqsi, Buulo Burde iyo Beledweyne oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews1@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.