Ganacsatada Qaadka Kenya oo ku hanjabay joojinta Qaadka ay Soomaaliya u soo dhoofiyaan

Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca sohdinta badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya

Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa maalinta walba u soo dhoofiya Soomaaliya 50 tan , iyadoo dowladda Kenya ay ka hesho suuqa Qaadka ee Soomaaliya 100 milyan oo Kenya shilling ah.

“Kuma iibsan karno Qaad madax bannaanida dalkeenna.. Soomaliya waxay mar walba ku gooddisaa inay joojinayso Qaadka Kenya , si ay usoo jeediso dareenka dowladda” sida waxaa yiri afhayeenka ganacsatada Qaadka Kenya, Kimithi Munjuri.

Waa markii ugu horeysay oo go’aan noocan oo kale ah ay gaaraan ganacsatada Qaadka ee Kenya, iyadoo la og yahay in Soomaaliya tahay lafbarka ugu weyn marka la eego dhaqaalaha Kenya ka soo gala ka ganacsiga caleenta Cagaaran ee ‘’Qaadka’

Dowladda Soomaaliya ma aysan soo hadal qaadin marnaba in ay jareyso xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya dowladda Kenya oo kan ugu weyn yahay Qaadka si joogta ah looga soo dajiyo guud ahaanba dalka.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews1@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.