Senator Ilyees Cali Xasan oo beeniyay wararka ay ka faafiyeen wargeysyada Kenya

Senetor Ilyees Cali Xasan oo kamid ah golaha Aqalka Sare ayaa been abuur ku tilmaamay  Wararka ay Daily Nation iyo The Standard qoreen iyagoo soo xiganaya  warqad  uu soo saarey markii uu socdey shirkii London, kagana hadlaayey in Sharciga shidaalka weli uusan Baarlamaanka lasoo marsiinin.

Senetor Ilyess ayaa yiri “Majirto wax xiriir ah oo ay la leedahay muranka Kenya iyo Somalia, ee Badda uu muranka kajirana waa dhul Soomaaliyeed, waxaana 100% ku taageersanahay goaankii shaley ay Xukuumada kasoo saartey”

Warka uu beeniyo Xildhibaan Ilyaas ayaa ah  in wargeyska The Standard uu u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan la tashan aqalka sare “ ka hor inta aysan iib-geyn xirmooyinka shidaalka”

Ilyaas oo ah guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee Aqalka Sare, ayaa sidoo kale warbaahinta kale ee Kenya ay kasoo xigatay bayaan uu ku sheegay in tallaabada dowladda Soomaaliya “ay ku iib-geysay xirmooyin shidaal oo dal kale uu leeyahay ay jebineyso sharciyada dalka.”

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews1@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.