Weriyasha Muqdisho ka howlgala oo kacabanaya Xukuumadda Kheyre

Qaar kamida Weriyaasha Muqdisho ayaa cabasho ka ah hab dhaqanka laamaha dowladda ee wararka loo raadiyo, si gaar ah cabashadu waxa ayka taagan tahay Madaxtooyadda Soomaaliya oo caadeystay in Caburin joogta ah ay kula kacaan warbaahinta.

Weriyaasha war doonayaasha ah ayaa aroortii saakay tagay goob Madaxtooyaddu ku balamisay si loosoo tabiyo wararka ku xeeran dhagax dhigga sanad kadib heshiis Qatar ayku dhisayso jidadka xiriiriya Muqdisho iyo Afgooye, Muqdisho Balcad.

Laga soo billaabo Todobaddii Subaxnimo ee saakay ilaa Kowdii duhurnimo waxaa laga dhur sugayey in weriyaasha Xaafiiskii Casuumay uu ka xeeyo si loot ago halka wadadaas laga dhagax dhigaayey, Laakiinse ma aysan dhicin, xilli dambe oo galab lagu dhow yahay waxaa yimid akhbaarta madaxtooyadda laga soo diray oo aheyd weriyaashu ha iska tagaan Muuqaalkana waa loosoo dirayaa.Sida Idiin Muqatana Waxaa Dhagaxdhigii Maanta Kaliya Goob Joog ka ahaa Warbaahinta Dowlada

Cabdi casiis okay oo tv ga Universal katirsan ayaa sheegay in xoriyatul qowlku aad u liito, wararka madaxtooyadda ay soo dirtana looga gol leeyahay inaan xaqiiqda Bulshada loo sheegin.

Dhanka kale: qaar kale oo kamida weriyaasha ayaa iyaguna qaba cabasho wararka qaabka loo helo la xiriirta.

Dhibaatadan ayaa taagneyd 2 sano ee dowladdani joogtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.