Ciidamada Jabuuti iyo Al shabaab oo ku dagaalamay dagmada Jalalqasi

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray rag ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya.

Dagaalka ka hor ayaa ciidamada Jabuuti waxa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen duleedka degmadaas,kadib markii weeraro hoobiyeyaal ah lagu qaaday Saldhig ay halkaasi ku lahaayeen,hayeeshee waxaa weerar kusoo qaaday rag ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dadku sugan degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in dagaal culus uu duleedka degmada Jalalaqsi ku dhexmaray ciidamada Jabuuti iyo Ururka Al-Shabaab,hayeeshee aysan cadeyn karin  khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti oo ka mid ah AMISOM  weli dhankooda dagaalkaas kama hadlin,waxaana jirtay in habeen ka hor saldhiga Ciidamada Jabuuti ee degmada Jalalaqsi ay Al-Shabaab  hoobiyeyaal ku weerareen taas oo keentay inay Ciidamada Jabuuti dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay sameeyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.