Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Burundi oo kulan yeeshay

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray  dalka Burundi ayaa xalay casho sharaf l;oogu sameeyay dalkaasi, iyadoona Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Burundi ay yeesheen kulan hor dhac ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa Burundi ku wehliya mas’iiliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed(Amar-dambe) iyo taliyaha Ciidanka xooga Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe).

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen Ciidamada Burundi oo ka mid ah howlgalka AMISOM oo la qorsheeyay inay sanadkaan gudihiisa ka baxaan dalka, maadaama arintaasi ay walaac xoogan ka muujiyeen Maamulka Hirshabelle.

Burundi waxaa ay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM, inkastoo 28 bishan la filayo in ay ka baxaan Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.