Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Burundi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Burundi, waxaana garoonka diyaaradaha Bujumbuura kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalkaas Mudane Pierre Nkurunziza.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM, waxaana la filayaa in madaxweyne Farmaajo ku qanciyo dhigiisa Burundi in 1.000 askar ay kala baxdo Soomaaliya bishan gudaheed.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.