Wasiirkii aririmaha dibadda Kenya ee Mwai Kibaki oo ka hadlay muranka badeedka kala dhaxeeya Soomaaliya

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya Mosees Wetangula ayaa sheegay inay Dowladaha Somalia iyo Kenya kala saxiixdeen Heshiiskaasi xilligii  Dowladdii Madaxweyne Mawaay Kibaaki, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mosees Wetangula oo hadalkaasi ka jeediyey  Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalladda Nairobi ma uusan sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka lagu duugay, inkastoo uu  isagu Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ahaa Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2010-kii iyo mar labaad oo loo doortay xilkaasi sannadihii 2011-kii ilaa 2012-kii.

“Ka Wasiir ahaan, waxaan Wada-xaajood la galay Dowladdii Somalia ee xilligaasi, waxaana wada saxiixanay Heshiiska lagu calaameeyey xuduud-baddeedka” ayuu yiri Mosees Wetangula.

Waxa uu intaasi ku daray inay Nuqulka Heshiiskaasi iyo Khariidda Badda ee la isla gartay u gudbiyeen Midowga Afrika iyo QM, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Mosees Wetangula waxa uu Dowladda Kenya u sheegay inay Kenya leedahay xuduud-baddeedka ay Somalia qabsatay, wuxuuna intaasi ku daray in Kenya looga baahan yahay inay la xiriirto Saaxiibadeeda si ay ugu muujiyaan Dhaqdhaqaaqa Joogitaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.