Xildhibaan Daahir A. Jeesoow oo su’aal ka keenya dal cadoow u arka Soomaaliya in ciidankiisa joogaan Somalia

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ku baaqay in Ciidanka Kenya laga saaro Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Kenya ay Soomaaliya ku tilmaantay Cadawgeeda sidaas darteedna dal cadow ku tilmaamay dal kale aysan ciidankiisa ka shaqeyn karin.

Waxaa uu Sheegay in xeerarka Caalamiga ah loo maro,Beesha Caalamkana soo farageliso islamarkaana Ciidanka Kenya ee ku jira AMISOM laga saaro Soomaaliya.

Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in Kenya ay ku soo duuli karto Soomaaliya maaddaama ay ku tilmaantay Cadowgeeda.

Jeesow ayaa soo jeediyay in marka hore Ciidanka Kenya laga saaro Soomaaliya,kaddibna laga wada hadlo waxa ay kala tabanayaan labada dal.

Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa gudaha soo galay sanadkii 2011kii iyaga oo aan oggolaansho ka helin Baarlamaanka Soomaaliya.

Sanadkii 2012kii ayey qeyb ka mid ah ku biireen AMISOM,halka kuwo kalena ay wali si madaxbanaan uga howlgalaan Gobollada qaar sida Gobolka Gedo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.