Xisbiga UPD oo talooyin wax ku ool ah u soo jeediyay Dowladda Federalka Soomaaliya

Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka oo ka hadlay muranka diplomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ee xiriirkana la leh muranka xuduud baddeedka labada dal ayaa soo dhoweeyay mawqifka Dawaladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan ka jawaabidda cabashada Kenya.

Sidoo kale Xisbiga ayaa Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ugu baaqay in ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagto xogaha dhabta ah ee ku saabsan arrimaha Sahminta shidaalka ee ka dhacay London 7-dii Feb ee 2019.

Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday xisbigii labaad ee taageera Jawaabtii ay dowlada Soomaaliya ka ka bixisay Go’aankii dowlada Kenya.

Hoos ka Akhriso Qoraal ka soo baxay Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.