Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay habka Kenya looga adkaan karo dooda kala dhaxeysa Somalia

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhaxgalay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ay haboon tahay in lagu xaliyo hab Diblomaasiyadeed iyadoo la marayo sharuucda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee lagu kala baxo marka arrimahan oo kale jiraan.

‘’Dhulkan lagu muransan yahay waa dhul Soomaaliyeed Kenya malaha, taasaana keentay in maxkamad leysla tago, dowladda Soomaaliya ayaana laga rabaan in ay ku soo ceshato hab sharci ah, aduunyadu fowdo ma’aha, in leys aflagaadeeyo ma’aha, dhagax tuurna ma’aha, waa in lagu kala baxo sharci iyo qawaaniin leysla ogyahay oo aduunyadu u dajisay marka ay soo ifbaxaan arrimahan oo kale’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu ku baaqay in marka ay jiraan xiisadahan siyaasadeed loo baahan yahay in cadaadis badan la saarin dowladda’’ Waxaan arkayay saacadihii ugu danbeeyay dad baraha bulshada isticmaalaya oo dowladda kula talinayay waxyaabo aan munaasabad aheyn, Qaadka hala joojiyo iyo wax la mid ah,

Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay wada tashiyo dhinacyo badan la yeelato xisbiyada siyaasadda iyo maamul gobolleedyada marka la gaarayo go’aannada Masiiriga ah ee Qarannimada taabanaya.

‘’Ma’aha arin sax ah in dhowr qof inta qol galaan iyagu go’aan soo gaaraan, waa in laanta fulinta, sharci dajinta, maamul gobolleedyada iyo Xisbiyada intaba laga tala-galiyaa arrimahan taagan’’ ayuu yiri hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Wali waxaa taagan oo aan xal Diblomaasi loo helin khilaafka soo kala dhaxgalay labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Kenya oo si ku-meel-gaar ah dhinac walba uu dib ula soo noqday safiirkiisii u joogay dhinaca kale.

www.somalitopnews.com

mogadishu-somalia

somalitopnews1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.