Kenya oo ka hadashay rajada ay ka qabto kiiska muranka Badda ee Soomaaliya kala dhaxeeya

Guddoomiye ku xigeenka Golaha aqalka sare ee Kenya ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in ay Kenya ku guuleysan karto kiiska labada dal u dhaxeeya.

Kithure Kindiki; ayaa dadka Kenyaanka ah niyadda ugu dhisay in ay ka wal wal la’aadaan dacwadda dhinaca Badda ah ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Kithure, ayaa sheegay in biyaha la isku heysto oo gaaraya 100,000km ay si rasmi ah u leedahay Kenya, Soomaaliyana ay dooneyso in ay xoog ku qaadato qeyb ka mid ah biyaha Dalka Kenya.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2014kii kiiska muranka labada dal horgeysay Maxkamadda ICJ,waxaana ay Kenya dood ka keentay kiiskaas oo ay sheegtay in ay dooneyso in bannaanka lagu xalliyo.

Labada dal, garyaanno ka socda ayaa isku wajahay Maxkamadda,waxaana Soomaaliya ay ku guuleysatay wareegga 1aad oo kaliya ahaa in kiiska ay Maxkamadda qaaddo iyo in meel aan maxkamad ahayn ay labada dal ku heshiiyaan.

Kenya oo ilaa hadda ka biya diiddan in kiiskan ay Maxkamadda gasho ayaa waxaa ay sabtidii la soo dhaafay dalkeeda ka soo ceyrisay danjiriha Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,waxaana ay sidoo kale la baxday danjiraheedii Muqdisho.

www.somalitopnews.com

mogadishu-somalia

somalitopnews1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.