Madaxweynaha Somaliland oo ka dagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta  booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Addis Ababab ee dalka Itoobiya, kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa inta uu safarkiisa ku gudo jiro waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed iyo xubno kamid ah dawladdiisa, waxana  ujeeddooyinka kulamadaas faah-faahin ka siiyey saxaafadda wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi.

Muuse Biixi oo ka dagay garoonka  diyaaraha Addis Ababa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan dowladda Federalka Itoobiya oo uu ugu horeeyo Axmad Shide.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayey ujeedada safarkoodu ku kooban tahay kulanka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ka tirsan ay la yeelan-doonaan, mana jirto masuuliyiin dalal kale oo Madaxweynaha u qorshaysan inuu kula kulmo Dalka Itoobiya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.