Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Bixii oo maanta kulan ku leh Addis Ababa

Sida wararka sheegayaan  waxaa maanta Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya ku kulmaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Is araga labadaan mas’uul waxaa gar-wadeyn ka ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed oo labaduba Casuumay.

Waxaa la layaa in ay si toos ah u wada fadhiistaan oo ay kaga wada hadlaan, si ay hoosta ugu wada xaqiiqaan kulan guud oo kan ka ballaaran.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doono Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Isbadalka Geeska Afrika ee uu hormuudka u yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa Meesha ka saaray Colaad muddo soo jiitameysay oo ka dhaxeysay Dal dhaca Gobolka.

Waxa uu ku guuleystay in uu soo afjaro Colaadda Dalkiisa kala dhaxeysay Waddankii horay ugu go’ay ee Eretareeya, Jabuuti iyo Eretareeya oo Dhul isku heysta iyo wada hadalkii uu la galay Jabhadii kasoo horjeeday Dowladii ka horeeyay ee Itoobiya.

Dowladaha Yurub ee Daneeya Arrimaha Soomaaliya ayaa isha ku haya sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadaladii qabyada ahaa ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo sheegta in uu ka go’ay Soomaaliya inkasta oo uusan helin aqoonsi.

Arrintaan ayaa ka dhigan is aragii ugu horeeyay ee Xubno ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland, maadaama wadahadaladii ugu dambeeyay ee labada dhinac aan qabsoomin muddo ka badan labo sano, sababo doorashooyin ay wajaheen labada dhan iyo hogaankii wadahadlayay oo isbadalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.