Madaxwyene Farmaajo oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo gabagabeeyay booqasho saddex maalin qaaddatay oo uu ku tagay dalalka Burundi iyo Jabuuti. Waxa uu wadahadal laba-geesood ah la -yeeshay dhiggiisa Burundi iyo Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa  maanta  dib ugu soo laabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halka Madaxweyne Farmaajo uu ka  baaqday safarkii Addis Ababa.

Qorshihii dowladda Itoobiya waday ee ahaa kulansiinta Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa socon waayay, kaddib caqabado ku yimid, Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay mabda’ahaan kulanka soona dhoweeyay, balse waxaa dood ka dhashay cida yeelaneysa doorka dhex dhexaadinta iyo in kulanka noqdo labo geesood, isla markaana Itoobiya yeelato door fududeyn oo kaliya.

Socdaalka maadxweynaha ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto hagaajinta xiriirka waddamada gobolka iyo kuwa ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya,iyadoo Burundi iyo Jabuuti ay qayb ka yihiin howlgalka AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.