Mas’uul katirsanaa xafiiska xeer ilaalinta Qaranka oo Muqdisho lagu toogtay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen in mas’uul ka tirsanaa xafiiska ilaalinta Qaranka, kaasi oo ku sugnaa degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan ayaa sarkaalka ka tirsan xafiiska Xeer ilaalinta waxay ku dileen xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, sida dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen.

Ruuxa la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Mursal, waxaana wararka ay sheegayaan in dablayda dilka geysatay ay ka baxsadeen goobta.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dableyda dishay Maxamed Mursal ay kaxeysteen gaari uu watay.

Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda masuuliyadda dilka, waxaana ciidamada dilka kadib ay goobta ka bilaabeen baaritaanka dadka gaariga la baxsaday.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.