Xukuumadda Soomaaliya oo Habraac u sameysay Heshiisyada ay la gasho dowladaha iyo hay’adaha

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xeer kasoo saartay Dhaqan galinta Habraaca Heshiisyada Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dowlada ay la galayaan Dalal, Shirkado ama Hay’addo Ajnabi ah.

Wasaaradaha iyo Hey’addaha dowladda ayaa waxaa ka reeban in heshiis si toos ah ama si dadban ula galaan dalal, shirkado ama hey’addo ajnabi ah, iyadoo aan la raacin tallaabooyinka ku cad farqada labaad ee qodobka.

Heshiisyada lala galayo dalal  shirkado iyo hey’addo ajnabi ah ayaa ah in la horgeeyo Golaha Wasiirada, isla markaana ka hor la soo marsiiyaa Wasaaradda Arrimaha dibadda waaxdeeda  sharciga iyo heshiisyada Caalamiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.