AMISOM oo ciidamada dowladda Soomaaliya ku wareejineysa kuliyadii Jaale Siyaad

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Hawlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay inay dabayaaqadda bishan Feberaayo in Ciiddanka DFS  ku wareejin doonaan Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad ee magaalladda Muqdisho.

Xaruntii hore ee Kulliyadda Jaalle Siyaad waxaa horey ugu sugnaa Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo halkaasi degganaa taan iyo sannadkii 2011-kii.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francisco Madeira  ayaa ku dhawaaqay Go’aankaasi, kadib, markii ay isaga iyo Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cali Xaggaa kormeer hubin ah ku tegaeen Xaruntii hore ee Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla Degmadda Hodan ee magaalladdan Muqdisho.

Ambassador Francisco Madeira  waxa kale oo uu sheegay inay dayactireen Kulliyadda Jaalle Siyaad, isla markaana ay Ciiddanka Somalia ku wareejin doonaan qalab ay  Ciiddanka Burundi halkaasi ugu tegi doonaan, lana dayactiray Ceel-biyoodka ku yaalla Kulliyaddaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.