Faah-faahin: Al shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ku dagaalamay dagmada Balcad

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Alshabaab oo xalay ku dhexmaray  degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe waxaana dagaalka xoogiisu uu ka dhacay fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin meel ku dhow buundada degmada.

Khasaaro iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray dhinacyada dagaalamay sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen ,iyada oo dagaalka xoogiisu uu socday ku dhawaad 30-daqiiqo.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay dileen 20 katirsan Al shabaab iyagoo xusay in ay ka qabteen gaari dagaal oo ay wateen al shabaab.

Wararka maanta ka imaanaya Balcad ayaa sheegaya in uu howlgal ka socdo xaafado ka tirsan degmadaas gaara ahaana xaafadaha ku dhow kuwii dagaalku uu ka dhacay,saraakiisha ciidanka oo la hadlay Idaacada dalsan waxa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerar ay Alshabaab ku soo qaadeen degmada.

www.somalitopnews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews1@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.