Gudoomiye cusub oo loo magacaabay dagmada Luuq ee gobalka Gedo

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Waxaa Guddoomiye Cusub loogu Magacaabay degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in guddoomiyaha degmada Luuq ee Gobolka Gedo loo Magacaabay Maxamed Cabdullaahi Gardhuub,xilkaas oo uu horay u hayay Maxamed  Xasan Cismaan.

Sidoo kale Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada luuq Maxamed  Xasan Cismaan ayaa waxaa loo bedelay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu ka Shaqeyn doono.

Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmahaan ku sugan degmada Garbahaareey oo ah Xarunta Gobolka Gedo,waxaana dhawaan uu Maamul cusub u Magacaabay degmada baardheere ee Gobolka Gedo oo uu ka taagnaa khilaaf dhinaca maamulka ah.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee Jubbaland.

www.somalitopnews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews1@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.