Hub iyo Rasaas loo waday Al shabaab oo lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb+Sawirro

Laamaha Amaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa soo bandhigay agab ay sheegeen in loo waday dagaalamayaasha Al shabaab.

Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in hubkaan uu saarnaa gaari Caasi ah oo ka yimid dhanka Gobolka Bari uuna ku siijeeday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayna gacanta ku hayaan hubkii iyo gaarigii uu saarnaa.

Agabka ay soo bandhigeen Saaraakiisha Galmudug. Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan ku wadaan wadihii gaariga oo ku xiran xarunta Nabad Sugidda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Sargaal ka tirsan Nabad Sugida oo ay Idaacadda Mustaqbal la hadashay ayaa u sheegey in dhawaan xog dhamaystiran la wadaagayaan warbaahinta haddana baaritaan ku jiraan.

Sargaal ka tirsan Nabad Sugida oo ay Idaacadda Mustaqbal la hadashay ayaa u sheegey in dhawaan xog dhamaystiran la wadaagayaan warbaahinta haddana baaritaan ku jiraan.

www.somalitopnews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.