Kenya oo ka cabsi qabta in looga adkaado siyaasadda Arrimaha Dibadda

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in dalkeeda uu halis ugu jiro in looga guulesto siyaasadaha arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda ee Gobolka.

Monica oo Arbaacadii hortagtay Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Kenya ayaa sheegtay in miisaaniyadda dowladda u qorsheysay Wasaaradda arrimaha dibadda aysan ahayn mid ku lan.

Inkasta oo kulankii shalay ay ku hortagtay Guddiga ujeedadiisu ahayd xiisadda diblmaasiyadeed ee Soomaliya haddana Guddiga iyo Wasiirkuba ma faah faahin halka la iskala qaaday iyo halka ay wax ku dambeyn doonaan.

Wasiirad Juma waxaa ay sheegtay in wasaaraddeeda ay ku adkaan doonto in ay gasho tartan dhinaca diblomaasiyadda iyo muranada sohdimaha ah ee dalalka deriska ah maaddaama aysan heysan dhaqaale ku lan.

Waxaa ay tusaale u soo qaadatay muranka dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si mid ah midka dhinaca Badda ah ee Tanzania iyo muranka Harada Victoria ee kala dhaxeeya Dalka Uganda.

Waxaa ay Moica sheegtay in dowladdeeda aysan awood u lahayn in ay arrimaasi oo dhan maareyso,haddii aan la kordhin miisaaniyadda wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.

Sanadka soo socda ayey codsatay in miisaaniyadda loo kordhiyo si ay u gasho howlo badan oo hadda qabyo ka ah.

www.somalitopnews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews1@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.