Puntland oo ka mamnuucday deegaanadeeda xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira dalka

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha ee Maamulka Puntland ayaa lagu amray Xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya in aysan wax shaqo ah ka qaban karin degaannada Maamulka Puntland.

Puntland ayaa sheegtay in iyada oo bogaadineysa dhaq dhaqaaqyada nidaamka axsaabta badan,haddana ay joojisay shaqada axsaabta heer federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlad Goboleedyada.

Waxaa ay sheegtay in ay hakisay dhamaan shaqooyinka axsaabta inta laga dhameystirayo nidaamka axsaabta dalka Soomaaliya.

www.somalitopnews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.