Deg Deg: Ragii dilay Xildhibaan Cismaan Boqorre oo gacanta lagu dhigay

Maamulka Dagmada Kaaraan ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ragii ka dambeeyay dilka Allaha  u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo goor dhow lagu dilay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir .

Maamulka ayaa sheegay in wali baaritaano ay ka wadaan xaafadaha kala duwan ee dagmasa Kaaraan iyagoo xusay in Ragga la qabtay ay wateen gaari nuuca raaxada ah.

Dilka Xildhibaanka ayaa waxaa ka dambeeyay Kooxo ku hubeysan Bastoolado oo watay gaari nooca raaxadda ah, waxaana la sheegay in ay weerareen gaari uu watay Xildhibaanka.

Xildhibaan Boqorre ayaa Muddo dheer kusoo jiray Golaha Shacabka, waxaana uu ahaa shaqsiga ugu da’da weyn Xildhibaanada Golaha Shacabka, wuxuuna soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.