Dowladda Somaliya oo maanta xariga ka jareysa mid kamid ah Xabsiyada ugu waa wayn Africa

Dowladda Somaliya ayaa maanta lagu wadaa inay xariga ka jarto dhismaha Xabsi wayn oo laga hirgeliyay duleedka Magaalada Muqdisho.

Xabsigaan oo loo dhisay qaab casri ah, ayaa waxaa lagu wadaa in madaxda dalka ugu sareysa ay ka qayb galaan munaasabada xariga looga jaraayo, taasi oo maanta dhaceysa.

Dhismaha Xabsigaan ayaa wuxuu soo socday sanadihii la soo dhaafay, iyadoo dowladda ay ku guuleysatay qalabeynta xabsigaan oo si caadi ah maxaabiista loogu xiri karo.

Taliyaha Ciidamada asluubta Somaliya Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay ahmiyad wayn inuu leeyahay furitaanka xabsigaan, maadaama wax waliba ay u dhameystiran yihiin.

Bashiir Goobe ayaa sheegay in maxaabiista Somaliyed xuriyada oo ka maqan ma’ahanee inta kale ay ka heli karaan xabsigan cusub ee dowladda ay dhistay.

Sidoo kale maanta ayaa Ciidamada asluubta waxa ay u dabaaldagayaan 49-sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska Ciidankaasi.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

                                               

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.