Magaalada Garoowe oo lagu qabtay dhalinyaro ku hubeysneyd Tooreey iyo Agab kale

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe Caasimadda Puntland ayaa waxa ay sheegayaan Taliska Booliiska gobolka Nugaal ay maanta soo bandhigeen ku dhawaad 30 dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay hawlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Garoowe.

Xassan Cabdullaahi Maxamed  Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal ayaa sheegay in dhalinyarada la soo qabtay ay ku eedaysan yihiin dhaca iyo furashada dadweynaha magaaalada isagoo xusay in qaar kamid ah raggan ay ka soo carareen dhinaca magaalada Boosaaso oo hawlgallo culus ka socdan.

Waxaa uu warbaahinta u soo bandhigay tooriyo la sheegay in ay dhac iyo furasho ku geysanayeen dhalinyarada la soo qabtay waxaana taliyuhu sheegay in maalinta berri ah maxkamad la isku geyn doono iyaga iyo qalabkoodaba.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.