Shirka Horumarinta Qaranka Sagaalaad oo ka furmay magaalada Dhuusamareeb

Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug uga furmay Wadatashiga wareegga kowaad ee Qorshaha horuamrinta Qaranka Sagaalaad oo ahmiyad ballaaran u leh dalka .

Waxaa daahfurka wadatashiga ka qeyb ka ahaa Xubna ka kala socda golaha Wasiiradda Galmudug, buslahda rayidka Maamulka iyo Khubarada Qorshahan shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta Qaranka

Bulshada ku nool deegaanada Galmudug ayaa si wanaagsan u soo dhoweeyay qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliyeed, ayna diyaar u yahiin in  baahiyahooda ay ku biiriyaan Qorshaha Harumarinta Qaranka Sagaalaad.

Guddoomiyaha Gobalka Galgaduud Axmed Cali Jimcaale  oo munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay wadatashiga wareegga kowaad ee Qoshaha Horuamrinta Qaranka Sagaalaad, waxuuna bogaadiyay dadaaalada ay wado Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Wasiirka Qorsheynta Dowladd Gobaleedka Galmudug Cabdikaafi Qaaf ayaa sheegay in farxad wayn u tahay maamulka Galmudug,in ay qeyb muhiim ah  ku yeeshan wadatahsiga Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad, isla amrkaana ay diyaar u yahiin in baahiyaha u baahan  wax ka qabashada  ka Galmudug ahaan in ay Khubarada la wadaagaan si uu qeyb ugu noqdo Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.