Xaaf: “Dowladda Dhexe dagaal ayey igula jirtaa”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay wali dagaal kula jirto maamulkiisa.

Xaaf, oo maanta tagay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka baxday wixii lagu heshiiyay dhamaan ballamihiina ka baxday.

Waxaa uu dadka Maamulka Galmudug ugu baaqay in ay wax qabsadaan kana tashtaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaf,waxaa uu ka soo haray maamulkii ugu sarreeyay Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee CIC, waxaana uu ka ahaa Guddoomiye ku xigeen.

Madaxweynaha Jubaland oo golahaasi ku jira ayaa waxaa uu wadahadal kula jiraa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,halka maamulladii kale ay qaar la heshiiyeen dowladda dhexe kuwana ka dhaceen doorashooyin sababay isbeddel dhinaca hoggaanka ah.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia     

somalitopnews@gmail.com

                                               

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.