Al shabaab oo soo bandhigay khasaaraha duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka

Sawirro ay soo bandhigeen Al Shabaab ayaa muujinayay  Duqeyn Diyaaradaha dagaalka Mareykanka xalay ay ka gaysteen deegaanka Kuunya Barow ee Gobolka Shabellaha hoose kuwaa oo khasaaro kala duwan ay ka soo gaartay dad shacab ah.

Duqeyntaan ayaa waxa ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Kuunya Barow, waxaana ku dhintay Macalin Dugsi Qur’aan & ilmo yar yar.

Warbaahinta Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen maydka ilmaha yar ee duqeynta ku dhintay & macalinka Dugsi Qur’aanka, sidoo kalena waxaa dhaawac uu ka soo gaaray duqeyntaasi haweenay iyo wiil kale oo yar.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegay duqeyntaasi in lala eegtay Xubno ka tirsanaa Shabaab oo lagu beegsaday deeganada la duqeeyay.

Inkastoo duqeynta ay ka dhacday deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, ayaa haddana Khasaaraha rayidka soo gaaray ay tahay dhimashada labadaasi ruux.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.