Dhaqtar u dashay Turkiga oo ku dhaawacmay  magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo dagmada Hodon ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in lagu dhaawacay mid kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Erdogan oo loo yaqiinay Digfeer.

Dhaqtarka ayaa ku dhaawacmay rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan dowladda taas oo ay ku furanayeen Wadada agmarta Hoteelka Amiira oo mashquul badan uu ka jiray,waxana dhaqtarka uu watay gaari yar oo nooca raaxada ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Dhaqtarka ayaa rasaasta ka haleeshay Garabka,isla markaana dhaawiciisa la geeyay Isbitaalka uu ka howlgelayay ee Ex-Digfeer.

Dhaqaatiirka Isbitaalka Digfeer ee uu ka howlgalyay weli wax faah faahin ah kama bixin dhaawaca Dhaqtar ka howlgalayay Isbitaalka.

 

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.