Isbadalka Sacuudiga: Markii ugu horeysay oo qof dumar ah loo magacaabo Safiir

Boqortooyada Saudi Arabia ayaa markii ugu horeysay xil danjire-nimo u magacaawday qof dumar ah oo noqoneysa danjiraha Boqortooyada ee dalka Mareykanka, sida lagu shaaciyay digreeto ka soo baxday boqortooyo.

Riima Bint Bandar ayaa noqoneysa danjiraha Sacudiga ee dalka Mareykanka waxaana muuqata in Sacuudigu arintan uga gon-leeyahay ugu yaraan in uu ku qaboojiyo carada ka dhalatay dilkii loo geystay Wariye Jamaal Khajoggi.

Amiirad Riima waxay xilka kala wareegi doontaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada walaalkii oo ka yar, Amiir Khaalid Bin Salmaan, oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga.

Waxa kale oo ay qaadaysaa dhabbihii aabaheed Bandar Bin Suldaan oo ahaa danjireha Sucuudga u fadhiya Maraykanka 1983 ilaa 2005.

Maadaama oo Aabaheed xilkaa hayey waxay caruurnimadeeda qayb ka mid ah ku noolayd dalka Maraykanka, waxaanay shahaadada koobaad ka qaadatay jaamacadda George Washington oo ay ka baratay daraasaadka matxafyada.

Tan iyo markii ay ku noqotay magaalada Riyaad 2005-tii, Amiirad Riima waxay ka shaqaysay xarumaha dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay labadaba.

Waxaa ay xilal ka qabatay dhawr shirkadood oo kuwa ganacsiga ah oo ay ka mid tahay shirkadda Harvey Nichols oo ay madax ka noqotay qaybteeda Sucuudiga.

Amiiradda waxaa ay dad badani u arkaan in ay tahay qof xuquuqda haweenka uga doodda dal badanaa lagu dhaliilo heerka sinnaan la’aanta labka iyo dheddiga.

Markii ugu dambaysay waxaa ay ka shaqaynaysay wakaaladda maamulka ciyaaraha, waxa aanay xoogga saartay sidii loo kordhin lahaa ka qayb galka haweenka ee ciyaarah iyo jimicsiga.

Waxa kale oo lagu yaqaannaa dedaalka ay ugu jirto wax ka qabashada cudurka kansarka ee naasaha ku dhaca.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.