Kooxo hubeysan oo Muqdisho iyo duleedkeeda ku kala dilay Askari iyo Nabadoon

Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Weeydoow ee duleedka Magalada Muqdisho waxaa la sheegay inay ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kadibna ay baxsadeen.

Askariga oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa watay sida ay Goobjoogayaal sheegeen Mootada nooca fekonta,waxaana la sheegay in sidoo kale ay toogteen rag hubeysan oo iyana Mooto watay,halkaasna ay isaga baxsadeen.

Ciidamo Boolis ah ayaa saacado kadib gaaray goobta uu dilka ka dhacay,iyaga oo halkaasi kasoo qaaday Medyka askari balse aaney u suurtagelin inay gacanta ku dhigaan kooxii ka dambeeyay dilkaas.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in raggii ka dambeeyay dilka askariga ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida ay horay u sii qaateen Qori nooca AK47 ah oo uu watay.

Dhinaca degmada Dharkenley gaar ahaan Xaafada Macmacaanka ayaa waxaa kooxo hubeysan ay ku dileen Nin Oday ahaa oo la sheegay in uu ahaa Nabadoon laguna Magacaabi jiray  Muxudiin Kilkilow,isla markaana dadkii dilay ay Goobta ka baxsadeen.

Inta badan dilalka loo geysto askarta ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka dhaca Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.